Loogada Rasmiga Albasrawie

Markaan aan afka Hooyo, wax ku barano.

Dhammaan dawladaha horumarka sameeyey waxa ay adeegsadaan afkooda Hooyo waayo; qofka afkiisa wax ku bartay wuu ka fahan iyo garasho badan yahay qofka af shisheeye wax ku bartay.

Cilmiga Kumbiyuuterku wuu ka gudubsan yahay mooddaada.

Wax-soo-saar

Cilmiga kumbiyuuterku waa awoodda
aad ku xalin kartid
dhibaha sayniska
adiga oo adeegsanaya jaadadka kala duwan ee Algoordamka .

Afkaaga Hooyo
wax ku baro.
ku cad gooso.
ku haraad bax.
wax-soo-saar ku yeelo.
wax ku baro.
Waxbarashada

Waxbarashada mustaqbalka ayay ku anfacaysaa sax ma aha, waxbarashadu waa in ay hadda ku anfacdaa.
- Bare sare Cabdirasaaq M. Xaashi

Wixii aad baratay ku dabaq nololmaalmeedkaaga

Awoodda waxbarasho waxa ay tahay in aad dhab ahaan u qaadatid waxa aad baratay dabadeedna aad ku meel marisid nololmaalmeedkaaga.

Cilmiga kumbiyuuterku waa hawl hal-abuureed

auto_stories
Wax badan akhri weyddiimo is-weyddii, dabagal waxaad heshay.
psychology_alt
Maskaxda tuuji, Cilmi baaris sameey kolkaasna curis la imaw tijaabi waxaad soo ogaatay.
door_open
Ugu dambayna daaha ka rog oo hal-abuur waxaad soo ogaatay ka dibna soo jeedi oo qarawaaqsiin sameey.

Ku soo dhowoow Albasrawie, waa barta aad Cilmiga Kumbiyuuterka hal-abuure ugu noqon lahayd.

Daboolka ka qaad awoodahaaga maangaleed ee aad wax ku curin kartid, ku tayeey maskaxdaada xalinta dhibaha adiga oo hadba ka fikiraya jidadka ugu fudud ammin ahaanna yar.