Arday waxa ku waajib ah, inuu edeb lahaadaaye,
Oo uu akhriyo meeriskoo, dhab u adkeeyaaye,
Markaasuu aqoontiisa guud, ku aflaxaayaaye.
Waxa aad la kulmaysaa waxbarasho, tababbar iyo waaya-aragnimo ka durugsan tan aad horaan ula kulantay oo fogaan-dersi ah.
Sida ugu maangalsan ayaa bartaha afka Hooyo wax loogu dhigaa si ay ugu fududaato hal-abuurka, ciqtiraaca iyo curinta.
Aqoontu waxa ay ku meereysataa bartayaasha dhexdooda. Qof kasta waxa uu ku biirayaa koox si loo kobciyo itaalkiisa iyo waxqabadkiisa.
Bartaha waxa uu furfuraa dhibaha, caqabadaha iyo mas’alooyinka maangalka ah waxa uuna samaynayaa maskax-tuujin.
Bartaha waxaa loo tababbaaraa in uu fikiro, wax hal-abuuro, weyddiimo dhaliyo, dabadeedna uu tijaabo hor leh sameeyo.
Barte kasta, kolka uu tababbar dhammaysto lana arko waxqaabdkiisa iyo firfircoonidiisa, fursad abaalgud ah baa loo fidinayaa.

Aqoontu lama kala laha maskaxda adiga kaa maqan walaalkaa ayaa ay ku jirtaa. Quraaco la imow qado ha laguugu daro’e . Marka la yimaado dhibaato xallinta, kol hore waxaa gundhig iyo udub-dhexaad ah in aad garatid dhibka jira , dabadeedna aad qortid jidadka aad u malaynaysid in xalka lagu gaari karo, wixii aad ka badin waysidna u dalbo caawinaad.
Waxyaabaha koriya itaalka bartaha waxaa sal iyo gundhig u ah tartamada, waxqabadyada bartayaasha
dhexdooda ah.
Si bartaha uu ugu naaloodo tababbarka uu qaadanayo waxaa ay bartayaashu hirgelinayaan qaabab iyo jidad
uu
ku soo jiidan karo bartayaashiisa.
Aniga waxbarashaday waxa ay hagaagtaa kolka aan cid tartan kula jiro. format_quote
Casharka aan qaadanayno waxaan ka jecelnahay laylisyada uu baraha dirayo. format_quote