Fogaandersi (Online)
Galabtii, Ammin buuxda (Full time)
Computer programming, (Full stack)
10 bilood
Maanta baro beri bixi ii sharrax
visibilityTababbarkaan ujeeddadiisu waa in aad xoogga loo saaro figradaha barnaamijeynta kumbiyuuterka (Computer programming concepts). Waxaase loo qoondeeyey oo baahidoodu lagu beegay ardayda aanu hore figrado iyo aragtiyo ka haysan barnaamijeynta kumbiyuuterka, sidaasi si la mid ah waxaa iyadana loogu talagalay kuwa ay wax u bilaaban yihiin ha yeeshee rabaan inay sii hodmiyaan fahankooda.
Hoostaan waxaa ku taxan waxyaabaha aad ku qaadanaysid tababbarka:
Hoostaan waxaa ku taxan waxyaabaha aad ku qaadanaysid tababbarka:
Waxbarashadaan gaaban waxaa lagu qaadaa dhigayaa amaba weyninkiisu yahay in laguu tababbaro dhammaan waxyaabaha quseeya barnaamijeynta kumbiyuuterka; iyada oo la kaalmaysanayaa tabab, xeelado, iyo agabkasta oo suuragalinaya in ardayga uu dhab ahaan wax ugu fahmo. Tababbarkaan halkudhiggiisu waa Wax baro waxna bar.
Waxaa aynnu taageernaa aqoon-isweydaarsiga, abuurista bulshooyinka iyo kooxaha waxbarshada, wadashaqaynta, iyo isxilqaanka. Qofna gadaal loogama tagayo; waa la garabqabnayaa intuu isga doonayo.Waxbarashada Albasrawie, waxay caan ku tahay kooxeynta ardayda dhexdooda si loo gaaro aqoon-kororsi, adkaynta xiriirka ardayda, iyo itaal-u-yeelidda tashiga iyo wax-wada-qabsiga.
Ardayga waxqabadyo ayuu fuliyaa si uu u hodmiyo waxbarashadiisa. Markaad u kuurgashid waxbarashada Albasrawie, waxaad toos ahaan ula falgalaysaa fulinta waxqabadyada in ka badan qaadashada casharrada. Geedi-socodka waxqabadka ayaanu ku yeelan karnaa itaalka curinta iyo wax-soosaarka mar-la-aragga ah.
Inta uu firfircoonyahay hayaanka tababbarka, waxaa la joogteeyaa dabagalka ardayga. Ardayda waxa ay noqonayaa kuwa laga warhaayo horumarkooda. In bartaha la raadraaco, waxaa looga hortagi karaa in ardayga uu u nuglaado inuu ka haro saaxiibadiisa la eyniga ah.