Loogada Rasmiga Albasrawie

Bare, Af Soomaali Ma Ku Soo Qori Karaa?

Tallow maxaa afka qalaad naloogu qasbaa haddaan afkeenna sidaas u jecelnahay?

Fahad M. C. Albasrawie

11/24/2023

Boggan Albasrawie waxaa loo askmumay in bartayaasha Soomaaliyeed aqoonta Cilmiga Kumbiyuuterka loogu soo tebiyo afkooda hooyo. Tani waxa ay ku soortoobaysaa iyada oo la adeegsanayo jidad kala duwan oo lagu gaari karo ujeedkaan. 

Aqoonta kumbiyuuterka waa ay ka gudubsan tahay mooddeena. Haddii aynu tusaale nool ka bixino meesha aan ka joogno tinolojiyadda caro-edeg waxa aad durba humaagsanaysaa in ay liidato itaalka iyo tayada wax-soo-saarkeenna. Tani waxaa ugu wacnaan karta siyaabo badan oo innaga curyaaminaya in aan gaarno (Soomaali ahaan) wax-soo-saar la taaban karo. Se aniga waxaan qormadaan ku ifinayaa hal arrin oo laf-dhabar u ah. 

“Tayada waxbarashada ee garashada qofka Soomaaliyeed waxa ay ku xiran tahay inta uu afkiisa ka yaqaano.”

Marka aynu joogno waxbarashada jaamacadda gooni ahaan cilmiga kumbiyuuterka, (oo qofkiisa loo rajaynayo in uu hal-abuure iyo curiye ka noqdo), waxa ay ku baxdaan afka qalaad (Ingiriisa)—“Afqalaad aqoontu miyaa”. Maka ay sidani dhaco; dhib sidaas u buurin kama imaanayso haddii ay bartayaashu yaqaanaan afka Ingiriiska, se aan niraahno, fasalka waxaa dhigata kuwa aan afka Ingiriiska aqoon.

Waxaan humaagsanaynaa hannanka waxbarasho ee qofka aan af Ingiriiska ee wax loogu dhigayo kasaynin.

  1. Casharka iyo maaddadaba si tayaysan oo qancisa wax uguma tarsan karo.

  2. Waxaa dhibaysa naqtiiminta iyo waxqabadyada maaddadaas

  3. Haddii uu kol horaba wax badan ka fahmin, ileen afka wax loogu dhigayo ayuusan kasaynin’e, wax-soo-saar kuma yeelanayo, kuma firfircoonaanayo maaddadaas; had iyo jeerna wuxuu u nuglaadaa inuu ka gaabiyo maadadaas dabadeedna uu isku darbiyo tabtii uu uga fursan lahaa imtixaankeeda qishba ha tabaabushto’e. 

Hadda waxa aynu halbeeg iyo sawir saarnay hal maaddo; ka warran haddii ay maaddooyinku noqdaan kuwa fahankooda ku xiran inta aad af Ingiriiska ka taqaanid.

Ardayda waxa ay aalaaba jecelyihiin in ay “afkooda ku cad goostaan” tani waa arrin farxad leh oo caddayn hor leh u noqon karta in ardayda Soomaaliyeed ay in badan ku taamayaan in ay afkooda Hooyo wax ku dhigtaan se baryahan ay kakan tahay in la helo. 

Hadda aynu tusmayno oraah yar ay ardayda caan ku yihiin kolka la gaaro amminnada imtixaanka; “Macallin, af Soomaali maku soo qori karnaa imtixaanka?”

Sow weertaas aad uma qurux badna; sow horumar iyo jacayl afka Hooyo ah tusin mayso. Haddii aynu si qodqodan oo xeeldheer aqoonina ku dhisan u eegno weertaas waxaa loo hal-tebsan (fasiran) karaa in ay weertu ka dhiman tahay oraahdaan gaaban “Af qalaad aqoonta ma ahee”, hadda aynu ku sidkino weertii hore ee layaabka lahayd: “Macallin, Af qalaad aqoonta ma ahee, af Soomaali maku soo qori karnaa imtixaanka?” 

“Yaraa inta af Ingiriiska wax loogu dhigay kasaynin; haddana wax-soo-saar leh.”

Soomaaliya waxa ay murti iyo maahmaah ku muujisay arrintaan oo waxa ay tiri: “Nin habartii ka guuray habaryartii uma negaado ama Nimay hooyadii heshiin waayaan habaryartiina ma heshiyaan”—waxa aan labadaan maahmaah oo mucda ballaaran soo gudbinaya ugu gol leeyahay in markasta uu mudnaan iyo doorka koowaad uu leeyahay qof kasta afkiisa. Haddii aad afkaaga hooyo heshiin waysaan oo aadan wax badan ka baran afafka qalaadna ma heshiinaysaan oo had iyo jeerba wax baa kaa fafakanayo aqoontana wax kaa dhiman.

Cilmiga Kumbiyuuterka | Gooni ahaan barnaamij-samaynta (Programming)

Borgaraaminka Kumbiyuuterka ee jaamacadaha iyo machadyada waa kuwa barashadooda lagala kulmo dhibaatooyin gaar ah; hase yeeshee, waa kuwa, haba koobnaadaane, ka jawaabaya ujeeddooyinka laga leeyahay barashada Borgaraaminka Kumbiyuuterka.

In kasta oo barashada borgaraaminka ay ku unkato naqtiiminta (practice), dhibaato xalinta, waxqabadka yarayar iyo hirgelinta mashruucyada, haddaana waxa jirta in ay luqad waliba oo wax lagu borgaraamiyo leedahay waxyaabo iyada u gooni ah. Iyadoo taasi maskaxda lagu hayo, isla markaana la tixgelinaya waxyaabaha badan ee ay luqaduhu wadaagaan, ayaynu isku dayeynaa inaan waxbarashadan gaaban gelino wixii iyo intii ardayda billowga loo dhigi lahaa. 

Afarta geybood ee borgaraaminka (naqtiiminta, dhibaato xalinta, waxqabadka yarayar iyo hirgelinta mashruucyada), ee lagu tilmaamo awoodaha salka ah, barashadooda sidaa uma qodqodna. Waxana dhici karta in afartan qaybood uu ardaygu qeybo ka mid ah uusan diiradda saarin. Iyada oo ay jirto ayaa haddana koleyba loo baahan yahay in la kala saaro waqti loo jaagooyo oo la iraahdo xiisadaan waxaa ardayda la baraa “Xalinta dhibaatooyinka” ta dambana waa “Waxqabad”. 

 

Si ardayda loo dhiirrageliyo ayna u noqdaan xudunta geeddi socodka barashada borgaraaminka waxa lagama maarmaan noqotay in ardayda loo sameeyo aqoon-iswaydaarsi yaryar taas oo loogu soo bandhigayo figrado iyo aqoon ay u baahnaayeen.

Gunaanad

Aqoonta afkeenna baa ugu xooggan mana aha inaan dhayalsano oo aan hoos marino. Waxaa la boogaaninayaa, maadaama ay yartahay ilaha iyo golaha laga mar walba laga heli karo afkeenna, haddana in aad u tafaxaydaysatid oo aad u quurgashid inaad afkaaga hooyo wax ku fahantid. 

Tani maha wax aan maangal ahayn se kolkaad ku tallaabsato oo aad guddoonsatid baa kuu soo ifbaxaysa in afku HODAN yahay aqoontana aad ku fahantid tabtii aad ku taamaysay.